Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Oo Xooga Saarayo Dhismaha Ciyaartooyda Da’da Yar

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiriika kubbadda cagta Soomaaliya ayaa qaatay siyaasad ah horomarinta iyo fursad siinta dhalinyarada wax barata hadana jecel kasoo muuqashada ciyaaraha kubbadda cagta Soomaaliya sanadii 2016 markii ugu horeesay xiriirka waxa uu bilaabay tartanka iskuulada oo ay ka qeyb galeen ilaa 12-iskuul oo ku yaala Gobolka Banaadir.

59306017_1287123398108008_48090655397773

Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab waxa uu sheegay in ganacsatada looga baahan yahay ka qeyb qaadashada iyo horomarinta jiilka cusub ee mustaqalka la doonayo in ay wax badan ka badalaan kobaca kubbadda cagta Soomaaliya.

SFF-Presidnet-Abdiqani-Said-Arab-Shaking

Saddex sano oo barnaamijka horomarinta dhalinyarada laga her geliyay caasimada Muqdisho madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya waxa ay Goobjoog u sheegeen in iminka ay diyaarinayaan qorshaha iyo dhisidda xiriiradda iyo kooxaha kubbadda cagta Maamul Goboleedyad si dhallinyarada gobolada ay iyagana u helaan horomarinta kubbadda cagta.

51354276_2142183905828360_71367023039726

April 2018 17 ijir Soomaaliya ee ka qeyb galay tartankii kubbadda cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay wadanka Burundi ayaa waxa ay galeen kaalinta 2aad ka dib markii xulka Tanzani ay guulo daro 2-0 ka kulmeen,yoolkeed taa fursad ceeynkee ayuu Ciyaartooyda kasoo baxaysa u yihiin kooxaha iyo Xulalka kala duwan ee kubbadda cagta Soomaaliya.

DbQGL_SXUAAbduB-1-300x200.jpg

Xiriirka kubbadda cagta aduunka ee FIFA iyo kan qaarada Afrika ee CAf ayaa si weyn ula dhacsan abaabulka xoogan iyo dhisidda da’yarta,iyagoo Soomaaliya ku amaanay juhdigii da’yarta laga bixiyay dhalinyarada laga arkay tartankii 17-jirada Bariga iyo baratamaha Afrika 2018 waxayna balan qaadeen in ay arikan ay tahay mida kaliya uu wadanka kasto ku gaaro guul waaweyn ee dhinaca ka qeybgalka tartamada gudaha dalkiisa iyo caalamka.

Gianni-Infantino-et-Ahmad-Ahmad-300x176.

Halkan ka daawo Warbixin ku saabsan Xiriirka Kubbadda Cagta dadaalka uu ku bixinao da’yarta

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this