Deeq A. Posted May 21, 2019 Mudqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee ay hantidoodu taallo dalka dibaddiisa, wuxuuna ugu baaqay in ay xaqiijiyaan ammaanka dhaqaalahooda. Wasiir Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool looga baahan yahay in ay dhegtu u taagnaato, wuxuuna tibaaxay in halka kaliya ee hantidooda ku nabad geli karto ay tahay gudaha dalkooda, isagoo kula dardaarmay in ay ku soo guryo noqdaan dalkooda Hooyo. Hadalkan ayaa imaanaya, xilli uu muddooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf ka dhex jiray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana hadda muuqata in khilaafkaas oo awal ku koobnaa dhinaca xiriirka Diblumaansiyadda ee labadda dal, in uu u sii gudbay dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga. Kenya ayaa shalay u diiday in ay garoonka Joma Kenyatta ka baxaan wafdi ka socday DFS oo dalka Kenya u tagay ka qeyb galka shir ka furmi lahaa caasimadda dalkaasi ee Nairobi, waxaana dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites