Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Kenya Oo Xidhay Qaar Ka Mid Ah Xawaaladaha Soomaalida Ee Magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Wararka aan ka helayno Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Booliska Kenya ay xidheen qaar ka mid ah Xawaaladaha Soomaalida ay ku leeyihiin dalkaasi.

15584353955734d.jpg

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Xawaaladaha ka shaqeeya ayaa xaqiijiyay in Xarumaha Shirkadaha Taaj Iyo Amal ee Magaalada Nairobi ay xidhan yihiin, kadib markii Booliska ay yimaadeen oo ay xidheen.

“Walaalow Xawaalada Taaj ayaan rabay in aan lacag ku soo diro balse waxaa la igu yidhi waa la xidhay oo Booliska Kenya ayaa xidhay, wali ma ogi sababta, balse illaa Shan xawaaladooda ayaa la xidhay.” Ayuu yidhi qof doonaayay in Xawaalada Taaj uu lacag ku soo dirsado.

Illaa hadda Booliska Kenya kama ay hadlin sababta rasmiga ah ee Ciidamada Booliska ay u xidheen Xarumaha Xawaaladahan.

Illaa Shan Xawaaladood ayaa la sheegayaa in Ciidamada Booliska Kenya ay xidheen, islamarkaana ay joojiyeen shaqooyinkii ay qaban jireen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this