Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Carwadda Ganacsiga ee Bisha Barakaysan Ee Rammadaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyneku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa maanta xadhigga ka jaray carwada ganacsatadda ee bisha barakaysan ee Rammadaan, taasi oo lagu qabtay magaaladda Hargeisa.

61030775_2179540972159744_27027340650893


Xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo ganacsato tiro badan ayaa Madaxweyne ku-xigeenka kala qayb galay munaasiabadaas carwadda ganacsiga, halkaas ay ay ganacsatadu kusoo bandhigay agabyo kala duwan, islamarkaana fursad u ah macaamiisha kala duwan ee ku xidhan ganacsatada reer Somaliland.
Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ganacsatadda Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan shuruucda iyo qawaaniinta qarankan u degsan islamarkaanna ay maciishadda u khafiifiyaan bulshadda reer Somaliland waxaana kamid ahaa hadaladdii Madaxweyneku-xigeenka “Ganacsatadda waxaan ugu baaqayaa inay ixtiraamaan shuruucda, waxaan ugu baaqaynaa inay bulshadda u naxariistaan oo maciishadda ka khafiifiyaan, sarifkana ay ilaaliyaan, annaguna waxa waajib nagu ah siyaasadii lagu dhiqi lahaa ganacsiga inaanu la nimaadn,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa oo soo kormeeray dukaamadda ganacsiga ee carwadaasi lagu soo bandhigay isagoo ugu hambalyeeyay guulaha ganacsi ee ay qaarkood gaadheen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this