Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Ethiopia oo la wareegay Garoonka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( SMN):- Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo oo xarun kumeel gaar ah u ah maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ku soo warramayaan in Garoonka Diyaaradaha magaaladaasi ay la wareegeen Ciidamada Ethiopia, talaabadan ayaa waxaa ay timid kadib markii ay cabasho muujiyeen Musharraxiinta u tartamaya Doorashada maamulkaasi.

Xubnahan quud dareynaya hoggaanka Jubbaland ayaa tilmaamay  marka ay ka dagayaan Garoonkaasi in lagu handado, mararka qaarna ay Ciidamada ilaalada ka haya ay ula macaamilaan, si aan wanaagsanayn, sidoo kale waxaa ay sheegeen in aysan wax Olole ah ka sameysan karin gudaha magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Macluumaad hoose oo ay Shabelle heshay ayaa tilmaamaya Ciidamadda Ethiopia in ay la wareegi doonaan Dekedda Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose, iyo Deegaanadda Kale ee Maamulkasi ka arimiyo.

Wakiilka Midawga Africa ee Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka AMISOM Freincisco Madiera ayaa qorshuhu yahay in uu maanta safar ku gaaro magaaladaasi.

Dhawaan ayey aheyd markii ay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo isku xabadeeyeen Ciidamada maamulka Jubaland iyo kuwo ilaalo u ah Musharrax Madaxweyne ee maamulkaasi Cabdinaasir Seeraar, waxaana Halkaasi ka dhashay khasaaro kooban.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed (Madoobe) ayaa lagu eedeeyay in uu marooqsadey doorashada uu hadda xilkeeda ka sii dhamaanayo’ waxaa ayna hadda u egtahay in qorshahaasi la iskaga daba yimid oo arrintu sidii hore ay ka duwanaan doonto.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this