Sign in to follow this  
Deeq A.

Bargaan oo xalay ka adkaatay degmada Waabari

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle ku baratamay deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud iyo degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Labadaani koox oo ku wada jiray Group-ka C ee tartanka ayaa soo bandhigay tartan aad loogu riyaaqay.

Tartamayaasha Bargaan oo la yimid dar dar xoogan ayaa waxa ay la yimaadeen 14 dhibcood, halka Waabarina ay keensatay 4 dhibcood, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga tartanka Maxamed Axmed Jimcaale.

Dhanka kale waxaa caawa tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ku ballasan degmooyinka Afgooye iyo Xamar Jajab.

Labadaasi degmo oo ku wada jira Group-ka D ee tartanka ayaa kala matali doono gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Idaacadda Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca-Cola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this