Deeq A. Posted May 21, 2019 Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo roon-dooyin ah ka sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidanku ka fuliyeen degmooyinka Dharkenley, Hodan iyo Howlwadaag. Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in baaritaanadaasi ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amniga degmooyinkaasi. Maalmihii dambe Ciidamada dowladda ayaa si aad ah u xoojiyay amniga Caasimadda oo ay haatan ka socdaan howlgallo ballaaran. View the full article Share this post Link to post Share on other sites