Deeq A. Posted May 21, 2019 Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Turkiga. Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi, iyo maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud ayaa ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka hoggaaminayo ee u baxay dalka Turkiga. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa inta uu joogo Turkiga waxa uu kulamo la qaadanayaa mas’uulyiin kamid ah dawladda Turkiga. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites