Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo Dal Ku Gal U Diiddey Wasiirro Iyo Xildhibaanno Ka Tirsan Dowladda Soomaalaiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa dal ku gal u diidey xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaalaiya, kuwas oo muddo saacado ah ku xannibnaa garoon ku yaalla Kenya, sida ay ila wareedyo u sheegeen VOA.

50072A55-A57F-4F8E-9D22-9DF37C67004C_w10

Wasiir ku xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Cismaan Libaax Ibraahim, Ilyaas Cali Xasan, oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale, ayaa warar ay VOA heshay ay sheegayaan in ay ka mid ahaayeen xubno dowladda Soomaaliya ka tirsan oo loo diidey dal ku galka ay xubnaha diblumaasiyiinta ay ka qaataan garoomada Kenya.

Cismaan Libaax oo VOA la hadlay ayaa sheegey in arrintaasi ay jirto, balse uusan diyaar u aheyn in uu bixiyo wareysi. Waxa uu sidoo kale sheegey inay sugayaan dayaaraddii dib ugu celin laheyd Soomaaliya.

Warka qaar ayaa sheegaya in ay xubnahani ay u socdeen ka qayb galaka shir saaka ka furamaya Nairobi oo ay si wada jir ah uga qayb galayaan QM, Midowga Yurub, IGAD, Soomaaliya, Itoobiya iyo dalka Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali war rasmi ah ka soo saarin dhacadadan ay lakulmeen xubnaha dowladda Soomaaliya matalayay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this