Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Kaaliyehiisii Hore Ee Dhinaca Sharciga Ku Amray Arrin Muran Badan Dhalisay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Aqalka Cad ayaa amray in mid ka mid ah raggii horay ugala soo talin jiray dhanka sharciga uusan hortagin guddiga aqalka congress-ka, waase haddii uu kala hadlayo wax ku saabsan baaritaankii uu waday Robert Mueller.

b6e75046-db68-4d1e-974b-f7b259729ce1.jpg

Guddiga Caddaaladda ee uu hoggaanka u hayo xisbiga Dimuqraadiga ayaa soo saaray amar sharci ah oo ay ku dalbanayaan in Donald McGahn uu horyimaaddo Talaadada.

Mid ka mid ah xubnaha guddiga ayaa sheegay in haddii uusan McGahn hor iman guddiga ay markaas bixin doonaan amar baaritaan loogu samaynayo in Trump uu u qalmo in xilka laga qaado.

McGahn ayaa Mueller u sheegay in Trump uu si isdaba joog ah isugu dayay in uu qaso baaritaankii lagu hayay.

Waaxda Caddaaladda iyo Aqalka Cad ayaa labaduba baahiyay war qoraal ah Isniintii, iyaga oo ku dooday in McGahn aysan u oolin in uu wax caddaymo ah bixiyo, McGahn ayaa horay qareen ugu soo noqday Trump.

Mar dambana qareenka McGahn ayaa sheegay in macmiilkiisu uu ixtiraami doono talada madaxweynaha.

Baaritaankii labada sano qaatay ee Mueller ayaan go’aamin in Trump ay wada shaqayn dhexmarin Ruushka intii lagu gudo jiray ol’olihii doorashada ee madaxweynenimada Maraykanka ee sannadkii 2016, balse wuxuu diiwaangaliyay toban jeer oo ay macquul tahay in madaxweynuhu uu isku dayay in uu caddaaladda hor istaago.

Aqalka Cad muxuu yidhi?

Sarah Sanders oo ah xoghaya arrimaha saxaafadda ee Aqalka Cad ayaa sheegtay in xisbiga Dimuqraadigu uusan jeclayn warbixinta gunaanadka u ah baaritaankii Mueller “ayna doonayaan in ay dib u soo celiyaan inkastoo arrintaasi aysan ahmiyad lahayn”.

Iyadoo soo xiganaysa tilmaamaha waaxda caddaaladda ayay warsaxaafadeed keeda ku sheegtay “Qareenkii hore ee madaxweynaha laguma qasbi karo in uu hortago guddiga, isla markaasna McGahn lagu booriyay in uu taladaas u hoggaansamo.”

Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay in McGahn aysan ahayn in uu hortago guddiga.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud Steven Engel ayaa sheegay “in ay dhici karto in dastuuriyan congressku uusan u yeeri karin kaaliyayaasha sare ee madaxweynaha si ay u horyimaadaan ama ugu makhraati furaan.”

Balse Guddiga Caddaaladda Jerrold Nadler ayaa sheegay in Trump uu isku dayayo in uu hor istaago macluumaad wax u dhimi kara oo ku saabsan in uu caddaaladda hor istaagay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this