Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo 250 Milyan Oo Doollar Ugu Deeqay Millatariga Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay Bangiga Dhexe ee Suudaan ku shubtay 250 milyan oo doolar, arrintaas oo qayb ka ah gacan qabashada ay u fidinayo dalkaas ay haysato daganaansho la’aanta dhaqaale iyo midda siyaasadeed.

4c138d3d-7eb8-47c2-b558-b9507e5457a8.jpg

Hadiyaddan iyo mid la mid ah oo uga timid dalka Imaaraadka ayaa Suudaan ka caawin doonta wax ka qabashada qayb ka mid ah mashaakilkii dhaqaale ee haysata, balse waxba kama tari doonto waxyaabihii sababay dhaqaale xumida.

Arrintan ayaa ah waxtar muddo gaaban ah marka loo fiiriyo mashaakilka taagan. Dadka raba in ay bangiyada lacagta kala baxaan ayaa layman dhaadheer ku jira, qofkastana lacagta ugu badan ee uu la bixi karo waa 40 dooalr, iyadoo uu kulalyl daran jirana dadka ayaa sidoo kale safaf dhaadheer ugu jira shidaalka.

Suudaan ayay dhaqaale xumo haysatay tan iyo sannadkii 2011 markaas oo Suudaanta Koonfureed ay raaceen inta badan ceelashii shidaalka.

Arrintaasna waxaa uga sii daray xaqiiqada ah in madaxweynihii hore Cumar Xadan Al Bashiir uu dhaqaalihii dalka u isticmaalay waxkaste oo uu ku cimridheeraysan karay.

Miisaaniyad badan ayaa la galiyay ammaanka, dhanka kalana wuxuu sameeyay malayshiyaad xoojiya.

Wuxuu amaahday waxkaste oo uu awooday, wuxuuna calaaqaad dhaw la samaystay Shiinaha, wuxuu mararka qaar taageero ka heli jiray Qadar oo ay Sacuudiga is hayeen.

Bashiir ayaa kumannaan askar ah u diray dagaalka Yemen si ay uga garab dagaalamaan xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo, isaga oo arrintaas ku badhashay lacago doolar ah.

Mudaaharaadyadii dalka Suudaan oo dhan ka dhacay waxaa sii huriyay maceeshaddii iyo shidaalkii oo sare u kacay bishii Diseembar, Bashiir ayaana ugu dambayn xilka laga xayuubiyay bishii hore.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this