Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo 100 dhalinyaro ah ka afduubtay gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa lagu waramayaa inay dhalinyaradii ugu badnaa ay ka Afduubteen deegaanada gobolka Galgaduud, kadib culees kaga yimid dhaqdhaqaaqyo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Galmudug.

Dadka deegaanka Ceel Maygaag iyo Xiindheere ayaa xaqiijiyay Al Shabaab in dhalinayaro badan ay ka kaxeysteen deegaano dhowr ah, iyaga oo la aaday degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Al Shabaab ayaa doonaya inay u dagaalamaan dhalinyaradaasi, sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana cabsi ay soo wajahday dhalinyarada ku nool deegaanada Miyiga ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Galmudug ayaa dhaqdhaqaaqyo ka sameeyay deegaano Hoos taga degmada Xarardheere, arintaasi ayaana sababtay cabsi soo wajahday Al Shabaabka ku sugan Xarardheere.

Deegaano dhowr ah ayaa lagu waramayaa inay isaga baxeen Al Shabaab, waxaana ay isku urursanayaan degmada Xarardheere, iyaga oo cadaadis xoogan dareemaya.

Ku dhawaad 100 dhalinyaro ah oo laga kaxeeyay ku dhawaad shan tuulo ayaa la sheegay in la geeyay deegaano hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Waalidiinta deegaanada Galgaduud ayaa sheegay in lagu wargeliyay inaysan diidi karin inay dhalinyaradooda ka barbar dagaalamaan Al Shabaab.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this