Deeq A. Posted May 20, 2019 Horta Heego waa ayo? Tixdan koobani waxa ay ka mid tahay qoraallo ka warramaya Heegada Muuse Bixii iyo cidda hormoodka ka ah xukuumadda dhexdeeda iyo dibaddeedaba. Tixdan oo soo baxday 20.05.2019. Waxa ay qeexaysaa hab-dhaqanka Heego iyo foolxumadiisa. Waa jeedal iyo shaabuug ku laba dhacaya oogada yo dareenka Heego iyo canbuuleysigeeda. Tixdu uma aqoonsana Heego in ay tahay reer. Sinaba marka la eego dhaqan xumidooda, boobkooda iyo dhacooda hantida ummadda iyo isku naasnuujintooda reerna uma aanoobo, wax se eeddu dusha ka saaran tahay madaxweynaha Somaliland oo samaynteeda leh, isku hallayna ay ka haystaan. Waa gardarro garab og oo ku sarkhaansan awoodda la siiyey iyo mashaariic isugu fuutinta wadaaggeeda. Waxa kale oo u aanooba wasakhnimadaa ciddii ugu sacabba tunta ee ku taageerta ama lufluf yar oo sandareerto ah oo ay ka helaan awgii ama sababo kale oo indha-garasho caaddifadeed ay kow ka tahay. Tixdu waxa ay si toos u karbaashaysaa hoggaanka Heego iyo abaabulayaasheeda in gudo ku sheeggan iyo dibad ku sheellan ba oo qof qof loo garanayo, dhowaanna ay suurto gal tahay in dhaayaha bulshada la soo hor dhigi doono marka loo baahdo, haddii uu Alle idmo. Waxa ay tidhi: Heego waa dhufays qodan Dalqadaa gun dheerta ah Dhaayahoodu weeyaan Dhaadmada dareenkana Waxa dira dhanqalankiyo Dhuunigii calool gala. Waxa ay dhabqinayaan Dhaantadii la tumi jirey Waa dhaqan gurracanoo Waxa badan dhibkoodoo Dheeftoodu waa cudur Xaaraan la dhabaqsado. Waa dhidar xabaal dedan Ugu dhacaya meydkoo Dhooqo soo qufaayoo Dhaaddantii walaalnimo Wada dhalashadeedii Dab dhexdooda gelinoo Isku dhidhin tolweynaha. Dhoohantaa ku badanoo Waa wada dharaar maal Dhuuni-qaata-yaal iyo Waa wada dhegweyn iyo Dhullax iimo badan iyo Dhurwaa maalintii ciya. Dhiillo huursan weeyaan Dhegxumaantu waw wehel Garashadu dhibaatiyo Dhaawacooda weeyaan Isu dhiganta waayaha Samo kuma dhabriiraan. Inta dhoof ku maqaniyo Inta degel ku magac dheban Waxa loo dhammeeyaa Mashaariic dhan qudha jira Dhiib dhiibashadu tahay Dhaban qaawan sararaha. Dhalanteedka beentaa Ugu filan dhaqaaloo Dhawrsanaantu waw cadow Dhaqan iyo xishood ma leh Dhaxal duugga hadha iyo Dhito waa ka garanuug. Marna waa dhamiijiyo Dhurde hayjad joogiyo Dhuuryada hamuunta leh Dhurruq maalinweyn kacay Dhaylo dubato naaxdoo Bahalnimo u dhuratoo Nuugaysa dhiig gacal. Ri’yahaa dhaqaaq socod Dhaameelka loo ruxo Orod dhabaabaceeyoo Geesaha dhexdoodiyo Isku riixa dhinacyada Dhabtu waa hunguri xumo. Qaran lagu dhillaystiyo Dhaldhalaalka suuqaa Uga dhigan kitaaboo Dhulku waa in-araggood Ma dhaafaan duleedkiyo Dhamastay ku ababeen. Dawladnimo dhankeedii Sharci adag dhiskiisiyo Dhaabadaynta xeerkiyo Cadli dhawristiisana Dheri saaran oogtiyo Dhuxushay ka jecel yiin. Weli geed dhillowyahan Dhulka hoose kama bixin Dheecaan yaalla kama qado Dhir kaluu ku maran yahay Dhalankooda yeeshaa Dheeraad ka doonaa. Dhaadhaanku faan badan Irbadse dhuub ma gelin karo Wuu hadaaq dhurmaayoo In uu dhaarto mooyee Hadal kama *****n karo Afka dheer ma xidhi karo. “Dheeraad nin haystoo Aqalkiisu dhalo yahay Nabad iyo ku dhaqankeed Hadduu tuuryo dhaafsaday Jiitamaa dhammaysee Maan dhadhaabka xaabsado”. Dhagar lama sahaayoo Lama dhacayo nabarkee Dhugtu waa dareen kicin Inaan dheelli-tire jirey Dhufayskiisa ugu galo Ninka dheesha ku qarribey. Dhubuq dhubuq horreetana Dhabannahays dambaysaa Dhuuxow yarow hareer taal Immisaa nin dhumuc weyn Dhukanoo is waal badan Dhaar-jiidh badnaa jabay! Dhacarsigu lur badanaa Dhaaxay ayaamuhu Waayuhu dhirbaaxeen Dhabandaadyo mamayoo Dhacadiid u jiifsaday Siiyeen dhunkaal suna. Tixdu waa dhambaal iyo Hadal dhoomo culus sida Maaha dhego-barjayn iyo Dhasalaalaq bood bood Daymo dhacan leh weeyoo Dhahar loogu talo galay. Runta oo la dhalanrogo Been baa ka dhalatoo Dheehii wacnaa baa Dadnimada ka dhaca oo Inaan sharafi sii dhiman Dhawaaqeedu weeyaan! Maxamed Baashe Xaaji Xasan, London 20.05.2019. mohamedbashe@hotmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites