Deeq A. Posted May 20, 2019 Muqdisho ( SMN):-Kooxo Hubeysan ayaa caawa Guddoomiye waaxeed waxa ay ku dileen Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir. Guddoomiye waaxeedka la dilay oo ka tirsanaa Maamulka degmada Howlwadaag ayaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Xasan Gaab , waxaana uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar ay ku soo qaadeen kooxo Bastoolado Ku hubeysan. Ninkaan ayaa horay Guddoomiyaha dhalinyarada uga soo noqday maamulka degmada Howlwadaag.. Ma jiro wax war ah oo Saraakiisha Ammaanka iyo maamulka degmada Howlwadaag ay ka soo saareen dilka Marxuumkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites