Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay rag weeraro bam gacmeed fuliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay bam gacmeed caawa lagu weeraray goobo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Taliska ciidamada ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen xubno lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weeraro bam gacmeed ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo caawa lala eegtay ciidamada dowladda.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiye Xuseen ayaa shaacisay in ciidamada ay qabteen ruux bam gacmeed ku weeraray xarun ciidamada booliska ku sugnaayeen oo ku taala xaafadda Taleex ee degmada Hodon.

Waxay sheegtay in dadka la qabtay ay ahaayeen kuwo ku eedeysan inay tuureen bam gacmeedyada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay ciidamada qabteen ruux bam gacmeed ku weeraray suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Labada Bam ayay Zakiya sheegtay inaysan geysan wax khasaaro ah.

“Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay dhaqarqabe bam ku soo tuuray Waaxda Taleex ee degmada Hodan. Sidoo kale waxeey ku guleysteen in ay soo qabtaan dhagarqabe kale oo isla caawa bam ku tuuray suuqa bakaaro ee degmada Howlwadaag
Labada fal wax qasaaraha ah kama dhala” ayay tiri Zakiya Xuseen.

Xalay ayay aheyd markii Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadda qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this