Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo sheegay in gantaal lagu soo weeraray magaalada barakaysan ee Makkah

Recommended Posts

Deeq A.   

Jeddah (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa maanta sheegtay in kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen inay gantaal kusoo tureen magaalada barakaysan ee Makkah, balse dhexda laga qabtay.

Taleefishinka Al-Arabiya ee Sacuudiga uu leeyahay, oo soo xiganaya goobjoogeyaal, ayaa maanta sheegay in ciidamada difaaca Sacuudiga ay hawada magaalooyinka Taa’if iyo Jeddah ka qabteen laba gantaal oo nooca ballistic ah.

Mid ka mid ah gantaallada ayaa ku socday magaalada Makkah, sida lagu sheegay warbixinta taleefishinka, oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah.

Si kastaba, Xuutiyiinta ayaa si kulul u beeniyey warkan islamarkaana sheegay inuu yahay olole been abuur ah oo Sacuudiga ay wadaan.

“Maamulka Sacuudiga waxa uu, isaga oo adeegsanaya eedeymahan, isku dayayaa inuu taageero u raadiyo gar-darrada foosha xun ee ka dhanka ah shacabkeena Yemen” Waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta, Yahya Sarea oo qoraal soo dhigay facebook.

Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, oo Imaaraadka uu ka mid yahay, ayaa muddo afar snao ah dalka Yemen kula dagaalamaya Xuutiyiinta.

Arrintan ayaa imanaysa ayada oo xiisad xooggan ay ka taagan tahay khaliijka, taasi oo u dhaxeysa Iran oo taageerta Xuutiyiinta, iyo dalalka Sacuudiga, Imaraaadka iyo Mareykanka oo dhinac ah.

Xuutiyiinta ayaa toddobaadkii tagay diyaarado aan duuliye lahayn ku weeraro goboo laga soo sarao shidaalka oo ku yaalla magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Axaddi, wakaaladda wararka Xuutiyiinya ay maamulaan ee SABA ayaa sheegtay in militariga Xuutiyiinta ay billaabi doonaan howlgal miltari oo ka dhan ah 300 oo ah bartilmaameedyo militari oo muhiim ah oo ku yaalla dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this