Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag ka tirsan Al Shabaab oo xukun lagu riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN):–Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Xukun ku riday Laba Nin oo katirsan Xarakadda  Alshabaab oo lagu kala magacaabo Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar kaasoo Magaciisa Xarakigu ahaa (Asad) iyo Maxamed Cali Boorow Aadan ii isna loo yaqiinay (C/xakiin) Ragaan ayaa racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aan Qoraaleedka ka Soo baxay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa U qornaa Sidan:-

“MARKAY ARAGTAY: Rafcaanka ay usooo gudbiyeen   Xukunsaneyaal:-

1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 21 jir ah ina Faadumo Aadan Cusmaan ku dhashay Sh/dhexe.

2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) 25 ina Xaawo Cawil Mursal ku dhashay Baydhabo.

MARKAY ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo aayadaha 33, 45aad suuratul Maa’ida iyo Qodobada 221,222,434/71 XCS. iyo Qodobka  koowaad XCCQS. oo lid ku ah Rafcaanlayaasha.

MARKAY ARAGTAY: Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida  ee 20.03.2019 kuna xukuntay Dil Toogasho ah Racfanlayaasha.

MAXKAMADDU

MARKAY ARAGTAY: Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad)  oo uu ka hor qoray  garsooraha hortiisa kuna cadeeyay  in uu ka tirsanaa Xarakafa  Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo  qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada Hodan lagula beegsaday    gaari Hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruux kuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa,

Sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari Saruf ah oo marayay isgoyska via Roma ee degmmada Xamar-wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday  09/11/2018,   Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka Daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this