Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo isku dhiibay Ciidamadda Xooga Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

J/hoose (SMN):–Xubin ka tirsanaa Xarakadda  Alshabaab ayaa isku dhiibay ciidanka Xoogda Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo ku sugan deegaanka Baar-sanguuni oo ktirsan gobolka jubbada Hoose.

Waxaa uu ka soo goostay degmada Jamaame ee Jubada hoose ,ninkan  oo lagu magacaabo Sharma’arke Cabdinaasir Axmed,waxaana uu faah faahiyay sababta uu isku dhiibay.

“Magaceyga  sedexaad waa Sharma’arke Cabdinaasir Axmed oo Alshababa u qaabilsananaa qeybta weerada,ilaahay ayaa isoo bad baadiyay jid dheer ayaan soo marey,ciidamada Jubbaland iyo kuwa Federaalka ayaa I soo dhaweeyey,markii aan arkay dhibkooda iyo rafaadkooda iyo in dhib un dadka ku hayaan,ayaan ka soo tagay oo ilaahayna I fahamsiyay,si fiican ayaa la ii soo dhaweeyey,marka umadda muslimiinta ah waxaan ka dalbanayaa cafis,maadaama bil ramadaan lagu jiro”. Ayuu yiri sharma’arke.

Cabdi Nuur Mooge oo ah afhayeenka wasaaradda Amniga ee Jubbaland ayaa fariin u diray dhalinyarada uu sheegay in la marin habaabiyay ee Alshabaab kujirta,isagoo ku ammaanay sharma’arke go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatay in uu ka soo boxo Xarakadda  Alshabaab.

Mudooyinkii ugu Danbeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Laamaha amniga ayaa soo bandhigayey Sawirada Rag ay ku sheegeen in ay isa soo dhiiban, islamarkaana ay ka tirsanaayeen Xarakadda Alshabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this