Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar: Weerar Lala Beegsaday Dal-xiisayaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii qarax xooggan lala beegsaday gaadhi Bus oo marayay agagaarka magaalada Giza, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlada Masar.

15582770143aa8e.jpg

Saraakiisha amniga ayaa wakaalada wararka ee Reuters u xaqiijiyay dhaawaca soo gaadhay Dalxiisayaashaan.
Muuqaalo la soo dhigay baraha Bulshada ayaa muujinaya ruux dhaawac qaba oo dhiig badan ka qubanayo.
Weerarkaan ayaa imaanaya iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay iska yareyd dadka dalxiisayaasha ah ee imaanaya dalka Masar.
Dalxiiska oo dhaqaalo fara badan ay ka sameyso xukuumada Qaahira ayaa waxaa saameyay weeraro lagu qaaday dadka ajnabiga ah tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweyne Xusni Mubaarak sanadkii 2011-dii.
Weerarkaan ayaa sidoo kale noqonaya midkii labaad oo mudo ka yar lix bilood lagu qaado gaari ay la socdaan dad dalxiisayaasha ku sugan Masar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this