Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska oo shaaciyey in ay Dad usoo qabteen qarax ka dhacey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN):– Taliye ku xigeenka Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye-Guuto Zakiyo Xuseen Axmed ayaa Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Internetka waxaa ay ku shaacisay Ciidamaddu in ay soo qabteen Nin waday sida ay tilmaamtay Gaari Xalay ku qarxay Nawaaxiga Iskaashatada Gaadiidka ee Degmadda Xamarweyne.

Taliye Zakiyo ayaa sidoo kale sheegtay in gacanta lagu dhigay 2 Ruux oo looga shakisan yahay in ay ku lugleeyihiin qaraxaasi, waxaa ayna hoosta ka xariiqday in aysan jirin wax qasaaro Nafeed ah oo ka dhashay qaraxaasi.

Dhanka kale Xarakadda Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkaasi ka dhacay Degmadda Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, waxaa ayna tilmaameen in ay beegsadeen Gaari nooca Dagaalka ah.

Ciidamadda Dowladda ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay Magaaladda Muqdisho ka waday Baaritaano la xiriira falalka wax u dhimaya Amniga Caasimadda Dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this