Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo sheegay bartilmaameedka Qaraxii ka dhacay agagaarka Hotel Muna

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan gaari NOAH ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ku qarxay agagaarka Barxadda Iskaashatooyinka.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay iyaga ka dambeeyeen masuuliyadda qaraxa ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inay la eegteen masuuliyiin.

Waxay Al Shabaab sheegteen in qaraxa uu haleelay gaari Cabdi Bille ahaa oo ay sheegeen inay saarnaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Hoose ee gobolka Banaadir, balse ma aysan sheegin waxyeelada ka dhalatay.

Taasi badalkeeda dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wax khasaaro ah uusan geysan qaraxa, islamarkaana uu ahaa gaari barxad banaan la dhigay oo halkaasi ku qarxay.

Sidoo kale taliska ciidamada Booliska ayaa sheegay inay qabteen wadadihii gaarigaasi iyo shaqsiyaad kale oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen qaraxa ka dhacay dhabarka dambe ee barxadda iskaashatooyinka.

Al Shabaab ayaa shaaciyay in tan iyo bishaan Ramadaan inay magaalada Muqdisho ka fuliyeen dilal badan iyo qaraxyo ay la eeganayaan masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Laamaha amaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday baaritaano ay kaga hortagayaan falalka ka dhanka ah amaanka oo Al Shabaab ay ka geysan karaan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this