Sign in to follow this  
Deeq A.

Shibis oo Xalay tartanka Shabelle kaga adkaatay dhigeedda Wadajir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN):– Iyadoo uu si xiiso leh usocdo Tartanka bisha Ramadaan ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa xalay waxaa loolan adag wada galay Degmooyinka Shibis iyo Wadajir oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Tartamayaasha ka kala socdey labadda Degmo ee Wadajir iyo Shibis ayaa soo bandhigay Ciyaar ay xamaasadeedu aad u sareysay, oo laga dheehan karay Aqoon, Hufnaan, iyo Anshax.

Degmadda Wadajir oo Guul daro la hoyatay ayaa Tartankii Xalay la timid Dhibco Gaarayey 6, halka Dhigeedda Tartanka ee Shibis ay Haleeshay 12 Dhibcood, Taasoo ah Calaamad muujinaysa in ay gaartay Guul Weyn.

Gudoomiyaha Tartanka Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle Maxamed Axmed Jimcaalle ayaa ku dhawaaqay Natiijadii Tartanka ee Xalay.

Tartanka Idaacadda Shabelle Sanadkan waxaa si wadajir ah u taabagalinaya Shirkadaha Ganacsiga ee Becco iyo Cocacola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this