Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka oo Daraasad ku sameeyay goobaha diiwangelinta Doorashadda 2020ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN):– Xaliimo Ismaaciil ibrahim Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in uu Gudigu Wado Taraasad Ku salaysan Goobaha Codbixinta ee Doorashadda Sanadka 2020ka.

Gudoomiye Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in Gudigu wado Daraasad ku salaysan goobaha loo xulan karo in ay Codbixintu ka dhacdo, iyadoo Tirakoob iyo Asteyn hordhac ah uu ku sameeyay Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka qaranka Deegaanadda Dalka ee noqon kara Xarumo loo asteyn karo Diiwaangelinta Codbixiyaha, islamarkaana loo isticmaali karo Xarumo Codbixinta, wuxuuna hada Guddigu ku hawlan yahay hubinta xarumaha noqon kara goobo diiwangelin oo dhab ah, kuwaasoo laga heli karo adeegyadda muhiimka u ah Diiwaangelinta sida Amniga, Adeegyadda aasaasiga, ah iyo gaaritaankooda, sida ay ka dhawaajisay Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim.

Hadalkan ayaa imaanaya xili ay Xaliimo Ismaaciil ibrahim Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka hortagtay Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Parlamanka Dalka oo wax ka waydiinayey arimaha Doorashooyinka iyo shaqada kale ee Guddiga Doorashooyinka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this