Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar dhibaato oo Muqdisho ka jirta haddii aan la xalin, waxaa bilaabanaya kacdoon

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhibaatooyinka ka jira Muqdisho ma ahan wax lagu soo koobi karo qoraal iyo hadal midna waxayna mareysaa 8 sano kadib nolashii ugu adkeyd oo halis gelisay nolasha dad badan oo dagan Gobalka Banaadir.

Ma sahlana xaaladda magaalada waxaana xog ogaal ka ah qof kasta oo ku nool Gobalka Banaadir oo aan u baahneen in looga sheekeeyo balse waxaan soo qaadan doonaa 4-ta qodob ee ugu wayn mushkiladda ka taagan Gobalka Banaadir ee sababi karta kacdoon dadweyne.

Qof kasta oo ku nool Gobalka Banaadir ayaa wajahaya 4-taan qodob kuwaas oo hadda gaaray meeshii ugu sareysay lagana yaabo in maalmaha soo socdo magaalada uu ka dhaco isbadal dadweyne.

  1. Wadooyinka magaalada Muqdisho oo dhan waa xiran yihiin mana jirto wax dhaq dhaqaaq ah oo magaalada Muqdisho, waxayna dantu ay kaliftay in dadku ay lugeeyaan waa dhibaatada 1-aad ee Kacdoonka sababi karta.
  2. Amaan laguma helin Xirnaanshiyaha Muqdisho waxaana maalin walba dhaca dilalka iyo Qaraxyada Al-Shabaab. Dad badan ayaa is weydiinaya wixii laga faa’iday xiraanshiyaha mar hadii ay dilalkii socdaan waana sababta 2aad ee dhalin karta kacdoonka.
  3. Ciidamada Booliiska oo dadka Shacabka ah laaya. Mar kasta Booliiska waxay dilaan dad shacab ah oo dhalinyaro muruq maal ah mana jirto cid Maxkamad soo saarto si cadaaladda loo waafajiyo. Arintaan ayaa horseedi karta kacdoon dadweyne waxaana cadaalad darrada looga deyriyay qur’aanka kariimka ah.
  4. Maciishadda ayaa aad u qaaliyowda, sidoo kale waxaa istaagay intii yareed oo shaqo ah oo dalka ka jirtay waxaana saameeyay xiraanshiyaha wadooyinka. Nolasha waa adkaatay mar hadii aysan jirin shaqo maciishadiina qaaliyowday hore ayaana dalal badan sababsay arimahaan oo kale.

Afartaan qodob waxay si deg deg ah u horseedi karaan kacdoon dadweyne oo noqon doona nuuciisa kii ugu horreeyay oo dalka ka dhaca inta taariikhada la xasuusto.

Boqolaal qof ayaa gaadiidkooda iska xareeyay markii ay waayeen meel ay maraan waxaana loogu sii daray amni darro iyo hab dhaqan aan wanaagsaneen oo ay kala kulmayaan Booliiska Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku qanacsan sida ay u wax socdaan mana jirto wax rajo ah ay oo shacabka ka qabaan dhanka dowladda oo ku saabsan xaaladda Gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this