Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhig ciidamada DF ku leeyihiin G/Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ururka Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dagaal culus oo saacado qaatay ayaa ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool, gaar ahaan fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada, waxaana uu dagaalka ka dambeeyay kadib markii Al Shabaab weerar qorheysan ay ku qaadeen.

Walow aanan wali la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay, haddana dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas xoogan oo labada dhinac ay is weydaarsanayeen, mudada uu dagaalka socday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in seddex kamid ah ciidamada dowladda oo ku sugnaa difaaca hore ee goobta la weeraray ay ku geeriyoodeen dagaalka, islamarkaana kuwo kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Dhanka Al Shabaab lama oga khasaaraha gaaray, mana jiro saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo si faahfaahsan kaga helay dagaalka ka dhacay degmada Waajid.

Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen Saldhiga Koonfureed ee degmada Waajiid, oo ay ciidamada Millateriga Saldhig ku leeyihiin, hayeeshee ay iska difaaceen,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana ay gacanta ku hayaan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, sidoo kalena ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this