Jacaylbaro Posted August 19, 2010 Nin Sacuudi ah oo deggan magaalada Dammam ee dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa haweenaydii afada u ahayd la dhacay jeedal ama shaabuug kadib markii ay isticmaashay mobile-ka loo yaqaan BlackBerry. Haweenayda ayaa markaas kadib ka tagtay ninkii oo saldhig boolis tagtay iyada oo ka ashkatoonaysa in ninkeedu garaacay ama jeedal la dhacay, sidaas darteedna ay codsanayso in laga furo. Haweenaydan ayaa sheegtay in ninkeedu marar badan waxyeelo gaadhsiiyay isaga oo la dhacay walxo af fiiqan leh. Waxayna intaas ku dartay inay ka go'an tahay in laga furo ninkeeda. Haweenayda ayaa la keenay cusbitaal si loo daweeyo. Dhanka kale booliska ayaa la xidhiidhay saygeeda waxana uu u sheegay in xaaskiisu ka dhego adaygtay marar badan oo ay ku mashquushay isticmaalka mobile-ka BlackBerry. Booliska ayaa hadda kiiska gacanta ku haya, waxana uu wadaa baadhitaan qoto dheer. Dalka Sucuudiga ayaa bishan bilaabay inuu mamnuuco adeegga fariin qoraaleedka mobile-ke BlackBerry, isaga oo ku dhaleeceeyey in xukuumaddu aanay la socon karin waxa laysu dirayo oo si dhib yar kombiyuutarada kale ee adduunka loogu gudbin karo. Sidoo kale dalka isutagga Imaaraadka Carabta ayaa bisha Oktoobar ee soo socota xidhaysa adeeggan. BlackBerry shirkadda samaysa waxa leh nin reer Kanada ah, waxana maalmahan u dambeeyey isa soo tarayay hanjabaado dalal badan oo adduunka ah ka imanayay sida Faransiiska, Sucuudiga, Imaaraadka iyo kuwo kaleba, taas oo ku saabsan in gebi ahaanba dalalkaas laga mamnuucayo isticmaalka BlackBerry waa haddii aanay shirakadda samaysaa ogolaanin in dawladuhu iyo shirkada isgaadhsiintu ay dhexgeli karaan macluumaadka lays dhaafsanayo. Waxa dalalkaasi welwel ka qabaaan in fariimaha iyo macluumaadka laysugu diro mobilekan iyo Internetku ee aan lala soconi ay yihiin kuwo khatar wayn ku ah amniga iyo dhaqamada dalalkaas. Ku dhowaad 500,000 qof ayaa isticmaala BlackBerry dalka Sucuudiga halka 400,000 ay ka isticmaalaan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Qoysas badan ayaa ku kala tegay adeegsiga teknoolijiyadda casriga ah sida internetka, mobileda , TV-yada iwm, waxana maalinba maalinta ka danbaysa soo ifbaxaya dhibaatada qalabkaasi u leeyahay wadajirka iyo jiritaanka qoysaska. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted August 19, 2010 Waar adigu waxaan oo ceeb iyo dacaayad ahi halkeed ka soo quftaa oo ay kuugu aasanyihiin? Teeda kale waxaan maqlay in Saudia iyo UAE ay mamnuuceen Blackberry maxaa u geeyay waxey dowladu mamnuuceen. Blackberry ayaa lagu wada waashay...I will take Iphone over BB anyday Thank You. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites