Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso hadaladii xasaradaha kiciyey ee wasiir Goodax uu sheegay April illaa May

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo soo saaray War Saxaafadeed ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadal uu ka jeediyay magaalada Jowhar, oo ahaa inuu fashilmay Imtixaanka maamulka Puntland.

Qoraalka waxa uu ku sheegay in la siiyay xog khaldan taasoo eheyd in madaxweynaha Puntland uu Garowe ka sheegay in la jabsaday Imtixaanka Puntland, sidaasna uu u sheegay ardeydii Jowhar ee uu khudbada u jeedinayay, isagoo aan iska hubin hadalka.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in hadalkan uu yimid daqiiqado kadib markii wadahadal dhinaca talefoonka ah uu dhex maray Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo looga dalbaday in Goodax uu raalli gelin ka bixiyo hadalkii ka soo yeeray.

Haddaba laga soo bilaabo April illaa May Wasiir Goodax ayaa ka dhawaajiyey hadalo xasarad kiciyey kuwaas oo uu intooda badan raali gelin ka bixiyey.

Wasiir Goodax oo kamid ah xubnaha sida weyn u difaaco Dowladda ayaa cadaadis xoog leh kala kulmay Xukuumadda, waxaana dhawr jeer lagu qasbay inuu raali gelin ka bixiyo hadalo aan munaasab aheyn oo uu sheegay isagoo weliba ah Wasiirka Waxbarashada Dowladda Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadaladii xasaradaha dhaliyey ee uu Wasiir Goodax sheegay laba bil gudahood:

  1. Wuxuu yiri “Baarlamaanka waxaa ka buuxa xubno Al Shabaab ah, kaasaana ka mid ah”
  2. Wuxuu kaloo yiri “Puntland imtixaankii waa diiday, iyada ayay u taallaa mesha shahaado kala imaanayso, waana nasiib-darro”
  3. Wuxuu kaloo yiri “Aqalka sare ayaan kala shiray arrintii Puntland, waana dhammaysannay”
  4. Wuxuu kaloo yiri “Waalidiin ayaa ilmahooda imtixaan u gaday”
  5. Wuxuu kaloo yiri “Waxaan soo arkay arday uma ekeyn, waa laga buuxay”
  6. Wuxuu kaloo yiri “Imtixaankii Puntland waa fashilmay”
  7. Wuxuu kaloo yiri “Waan ka xumahay hadalkii aan Puntland ka sheegay. Waa war aan faafiyay anigoo aan hubsan”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this