Sign in to follow this  
Deeq A.

Waalidka Arday Maanta La’rasaaseeyay Oo Dalbaday In La Soo Qabto Askarigii Ka Danbeeyay Falkaas.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) –Aabe Daahir Cabdi oo dhalay sadax arday ah oo maanta wax ku noqotay rasaas uu furay askari ku sungaa aga-gaarka Dabokaayo Madow ayaa idaacada Shabelle u sheegay in aan wali ganacanta lagu soo dhigin askari falkaas ka danbeeyay.

Daahir oo ka hadlayay  xalada carrurta qaar kuwaas oo kala ahaa labo gabdhood iyo wiil uu rajo kamuujiyay in xaladooda ay ficnan doonto gabar ayuu shegay In dhawac dhabarka uu soo gaaray halka gabdha kalana qaliin lagu suu biyay rasasta laga saaray wiilkana xaladiisa ee wanagsan tahay .

Ugu danbeen Aabe Daahir Cabdi ayaa codsaday in la soo qabto cadaaladana la horkeeno askarigii falkaas ka danbeeyay.

Dhinaca kale xiriir aan la sameenay maamulka dagmada dharkiinley ayaa ka jawaabi waayay taleefanada idaacada Shabelle si aan wax uga weydiino arinta maanta ka dhacday dagmadooda.

Hoos riix si aad u Dhageysato:-

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/daahir-aadan.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this