Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax culus oo ka dhacay meel u dhow Hotel Muna ee Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu ka dhacay qarax xooggan.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Muno oo ku yaal kasoo horjeedka Beerta Nabadda oo ku taal meel aan sidaas uga fogeyn villa somalia.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu qaraxa ahaa mid lagu xiray gaari marayey Agagaarka Hotel Muna inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Weli lama helin faahfaahin ku saabsan qaabka uu qaraxa u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada Boosliska ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay waxaana la xiray jidadka soo galo.

Wixii faahfaahin ah la soco daqiiqado kadib inshaa Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this