Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye Cirro oo jawaab kooban oo waafi ah hawda u mariyay madaxweyne Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay madaxweyne Muuse Biixi oo la xidhiidha xuska 18-ka May.

Gudoomiye Cirro ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu kaga hadlay maqnaanshaha uu kaga baaqday xuska munaasibada 18-ka May oo shalay lagu qabtay caasimada Hargeysa.

Gudoomiye Ciro ayaa qoraalkiisa ku yidhi:-

Waa maalin aanay xisbiyadu isu muuqan oo ay qaranimadu ka weyn tahay.

Joogisteyda 18-ka May ma xalaalaynayso xuskeeda, maqnaanshiiyahayguna xaaraantimeyn maayo!

Niyadsami ku xusa oo weyneeya maalintan weyn.

Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!

GUUL & GOBANNIMO.

Boramanews

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this