Sign in to follow this  
Deeq A.

Goodax oo raalli-gelin ka bixiyay beentii uu shalay ka sheegay imtixaanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa raalli-gelin ka bixiyay hadalkii uu shalay ku sheegay in imtixaanka shahaadiga Puntland uu fashilmay.

Qoraal galabta ka soo baxay xafiiskiisa ayuu ku sheegay in xog qaldan lagu siiyay in madaxweynaha Puntland shalay ku dhawaaqay in la jabsaday imtixaankii shahaadiga Puntland isaguna uu sidaasi u sheegay balse ay habbooneyd in uu hubsado warkaasi.

Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku boodiyay imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Puntland isagoo caddeeyay in uu xukuumadda iyo shacabka Puntland ku garab taaganyahay hawlaha imtixaanka.

Hoos ka akhriso qoraalkiisa

FB_IMG_1558273445415.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Goodax oo raalli-gelin ka bixiyay beentii uu shalay ka sheegay imtixaanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this