Sign in to follow this  
Deeq A.

50 cisho kadib, maxaa laga dhaxlay howl-galkii looga dhawaaqay MUQDISHO?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kontan maalmood ayaa maanta u buuxsantay markii uu Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu ku dhawaaqay in Muqdisho uu ka bilaaban doono howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee falalka amni darra ka geesta Muqdisho markii uu amaanka faraha ka baxay. 50 maalmood kadib waa sidee xaaladda Muqdisho maxaana laga dhaxlay howlgalkii Ciidamada booliiska.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee howlgalka wada waxay ku guuleesteen in ay yareeyaan weeraradii iyo Qaraxyadii Al-Shabaab inkastoo ay wali qaraxyadu ka dhacaan goobo muhiim ah oo ku dhow Xafiisyada muhiimka ah ee Dowladda. Sidoo kale waxay ku guulesteen in ay soo qabtaan keydad hub ah oo ay Al-Shabaab lahaayeen iyo rag dilal fuliyay sida uu shaaciyay Taliska Booliiska Soomaaliya.

Ciidamada Booliiska kuma guuleysan in ay joojiyaan dilalka qorsheysan ee ka dhaca Xaafadaha Magaalada Muqdisho waxayna wali kooxihii wax beegsan jiray ay dilal ka fuliyaan degmooyinka Gobalka Banaaadir. Dilalka Al-Shabaab ee Muqdisho waxaa ku soo biiray dilal kale oo aan ka tira iyo xanuun yareyn oo ay fuliyaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee loo xilsaaray badbaada Shacabka waana mid kamid ah waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka ka socda Muqdisho.

Sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka 50 maalmood qaatay waxaa kamid ah, in Muqdisho aan la isu gudbin 50 cesho, Banaanbaxyo waa-wayn oo sababay khasaare naf iyo maalba oo ay dhigayn wadayaasha Moota Bajaajta, maciishadii oo qaaliyowday kadib markii gaadiidka soo gala Muqdisho la joojiyay, kuwa gudahana ay ay magaalada isaga gudbi waayeen.

Boqolaal dhalinyaro ah oo ay shaqadooda istaagtay kuwaas oo Garaashyada Muqdisho ku xareeyay gaadiidkii ay ku shaqayn jirayn ee Tagaasida, Shacabka muqdisho oo ay daruufta ku liftay in ay lugeeyaan ama bajaaj  ku kireestaan lacag ka badan intii marka hore ku bixi jirtay, dhagxaan waa-yeen oo lagu gooyay wadooyin dhismahooda lacag badan gashay si bilicda loo soo celiyo , rajo la’aan iyo qayla dhaan aan jawaab laheyn ayaa kamid ah waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka Muqdisho ka socda maalmihii ugu dambeeyay.

Todobaadyadii las oo dhaafay waxaa magaalada ka bilaawaday dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka Muqdisho ee matala beelaha daga Gobalka Banaadir kuwaas oo dowladda ku eedeeyay in cunaqabatayn ay ku soo rogtay Muqdisho islamarkaana aysan jirin wax amni ah oo lagu helay.

Ma jirto waxyaabo laga faa’iday cadaadiska saaran magaalada Muqdisho oo dadweynaha ku qasbi kara in ay u dulqaataan xirnaanshiyaha wadooyinka Muqdisho, sidaas darteed, waa in dowladda ay dib isugu laabato hadii ay xaaladda noqon waysay sidii loo baahnaa.

Kulankii ugu dambeeyay oo adayaasha ku yeeshaan Muqdisho waxaa dowladda loogu qabtay 48 saac in ay kaga jawaabto baaqyada odayaasha iyo waxgaradkii ay hadii ay dhici waysana ay yeelan doonaan kulamo kale oo ay go’aan uga gaaarayaan go’doonka ay ku jirto magaalada Muqdisho oo dhibaato daran ka dhaxlayaan kudhawaad 4-ta Milyan ee kunool Muqdisho

Sheekooyinka kale ee lagu arkayo magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay waxaa kamid ah in aysan shaqaynin dhamaan aqoon-siyada Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Ciidamada, Saraakiil iyo mas’uuliyiin dowladeed ayaa kamid ah dadka wadooyinka laga xirtay.

Maskaxda dad badan oo ku nool magaalada ayaa waxaa ka guuxaya 50 cesho oo go’doon ah kadib, dhiiggii dadka Shacabka ah wali daadanaya, nolasha dadka oo adkaatay, dowladda oo dhagaha ka fuurasatay qayla dhaanta waxgaradka, hab dhaqanka Ciidamada oo aan wanaagsaneen, dhalinyaro badan oo shaqa la’aan, dil iyo hanjabaad ka dhaxlayhowlgalka socda waa maxay waxa xiga ee arimahaan ka dhalan kara hadii aysan dowladda sidaan wax ka badalin?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this