Deeq A. Posted May 19, 2019 Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa kulan la yeeshay hoggaamiyeyaasha gobolka Shabeellaha Hoose si uu uga wada xaajoodo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Shirkan oo ahaa mid albabaabada u xiran ayaa la sheegay in looga hadlay guulihii ay dhowaantan ka gaareen Ciidamada dowladda iyo AMISOM al-Shabaab, oo laga saarey deegaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose. Francisco Madeira, oo ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa sheegay in kulanka sidoo kale uu dib u eegay xaaladda gobolka qabsashada tuulooyinka istiraatiijiga ah ee Sabiid iyo Bariire. “Waxaan ku faraxsanahay horumarka la gaarey, waan sii wadeynaa inaan si wadajir ah uga wada shaqeyno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri Madeira. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay Sabiid 2-dii April, iyadoo 3-dii bishaan May ay qabsadeen Bariire oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, islamarkaana 60-KM dhanka galbeed uga began magaaladda Muqdisho. Ciidamada dowladda ayaa howlgallo military ka wadey mudooyinkii dambe gobollada qaar ee dalka, kaasi oo ujeedkiisa ay Xukuumadda ku sheegtay in dagaalayahanada Al Shabaab looga saarayo goobaha ay hadda ku sugan yihiin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites