Deeq A. Posted May 19, 2019 Gaalkacyo (SMN) -Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qeybaha kala duwan ee bulashada iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa ku dhaweeyay duleedka magaaladaasi. Intaasi kadib Madaxweyne Deni waxaa loo galbiyay waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo gaar gaar ah . Kulamadan ayaa waxaa looga hadli doonaa ammaanka guud ee Mudug iyo arrimaha dib u heshiisiita gobolkaasi. Waa socdaalkii ugu horreeyay ee uu Saciid Cabdullaahi Deni ku tagay magaaladan, tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites