Deeq A. Posted May 19, 2019 Afgooye (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro ay maanta Al Shabaab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Weerarka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Sabiid oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolkaasi. Rag ka tirsan Al Shabaab ayaa weeraray fariisimo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa weerar kale ku qaaday deegaanada Buufow iyo Lambar Lixdan oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi. Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa beegsaday xarumo Milatari oo ku yaalla gudaha deegaanadaasi. Weerarka saddexaad ayaa la sheegay in sidoo kale lagu qaaday degmada Qryooley oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalladan, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda oo ku aadan weeraradaasi. Dhanka kale Al Shabaab oo ka hadlay iska hor imaadyadaasi ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen, islamarkaana muddo kooban ay la wareegeen fariisin Ciidan oo ku taalla Sabiid. Al Shabaab ma shaacin, haddii uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka soo gaaray dagaalladaasi is xig xigay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari ay ka socdaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha ee K/Galbeed Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites