Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo u jawaabtay wasiir Goodax Barre

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Xilli ay shalay u fariisteen Imtixaanada mideysan ee Shahaadiga ah 15,800 oo ka mid ah ardayda deegaanada Puntland ayaa wasiirka waxbarashada Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, isaga oo ku sugan magaalada Jowhar, islamarkaana ka warbixinayay go’aankii ay qaadatay wasaaraddiisu waxaa uu cod dheer ku sheegay in Imtixaanaadkii ka bilowday Puntland in ay fashilmeen.

Wasiir Goodax ayaa sheegay dalalka dariska ah in ay ku dhacdo arrimo sidan oo kale ah, islamarkaana wax caadi ah ay tahay.

Hadalka wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa muran badan ka dhaliyay baraha bulshada.

Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Puntland C/laahi Xasan Maxamed oo la hadlay Warbaahinta maamulkaasi ayaa ka warbixiyay, sida ay u socdaan Imtixaanaadka maamulkaasi.

Dhinaca kale waxa uu gaf ku sheegay hadalkii wasiir Goodax Barre, wuxuuna ugu baaqay in uu raali gelin ka bixixiyo, haddii ay taasi dhici weydana ay gudbinayaan madaxda Qaranka, sida Madaxweyanaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Dhawaan ayey aheyd markii dibadda u baxday sirtii Imtixaanka dowladda, arrintaasina waxaa ay dhalisay in dadku ay uga doodaan baraha ay bulshadu ku xariirto iyo meelaha kale, iyadoona dibadbaxyo ay dhigayeen arday badan ay ka kala dhaceen Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ku yaalla dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this