Deeq A. Posted May 19, 2019 Muqdusho (SMN) – Labadan degmo oo ku wada jira Group-ka C ee is araga labaad ayaa caawa ku madlan tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle. Shibis ayaa kulankii hore barbar dhac la soo gashay deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale degmada Wadajir ayaa horay looga soo badiyay, waxaana guul ka gaartay dhiggeeda degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Dhinaca kale xalay oo ay wada baratameen Warta Nabadda iyo Wanlaweyn ayaa waxa ay galeen barbar dhac, kadib markii ay kala keensadeen mid 10 dhibcood. Tartanka Shabelle oo weli lagu guda jiro wareegiisa koowaad ayaa maraya meel xiiso badan, waxaana si toos barnaamjika uga dawaan kartaa boggeena Facebook ee Shabelle Media Network. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca-Cola View the full article Share this post Link to post Share on other sites