Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta-gareen: Waxaa La Gaaray Xilligii Al-shabaab Laga Xoreyn Lahaa Gobollada K/galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed, C/casiis Lafta-gareen ayaa si kulul wuxuu kaga hadlay xaaladda ammaanka ee deegaannada maamulkiisa ka arrimiyo, gaar ahaan qaraxii shalay ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Waxa uu sheegay in dhammaan dadkii ku dhintay qaraxii shalay dhacay ay ahaayeen kuwo muhiim ah oo shaqooyin adag u hayey maamulka K/galbeed.

Lafta-gareen ayaa sheegay in ciidamada ammaanka u diyaar garoobaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin gobollada maamulkaasi.

Dhanka kale, wuxuu shacabka ku dhaqan K/galbeed ka dalbaday iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si maamulkiisa uga adkaado Al-shabaab.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this