Deeq A. Posted May 19, 2019 Xarfo (SMN) – Saciid C/laahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa socdaal dhulka ah ku maraya qeybo ka mid ah G/ Mudug. Madaxweyne Deni oo xalay ku hoyday degmada Xarfo ee gobolkaasi ayaa kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta degmadaasi. Kulankan ayaa diirada lagu saaray arrimaha la xariira xoojinta nabad galyada iyo horumarka deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaan in saacadaha soo socda gaari doono degmooyin ay ka mid yihiin Jariiban, Galdogob iyo Gaalkacyo oo ka wada tirsan gobolka Mudug. Waa booqashadii ugu horreysay ee Saciid C/laahi Deni uu ku tagay Mudug oo ka mid ah gobollada hoostaga maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites