Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeesow oo ku baaqay in Ciidanka Kenya laga saaro dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay soo noq noqonayeen gabood fallada ay u geesanayaan Ciidamada Kenya shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala K/Somalia

Jeesow ayaa XFS ka dalbaday in gabi ahaan Ciidanka Kenya laga saaro dalka, iyada oo loo marayo Taliska AMISOM.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa carabka ku dhuftay in burburinta lagu haayo xarumaha shirkadda Hormuud in laga leeyahay dano ganacsi, si kor loogu qaado ganacsiga shirkadda Safaaricom ee laga leeyahay Dalka Kenya.

Ugu dambeyn Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland in ay indhaha ka laabteen wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this