Deeq A. Posted May 19, 2019 Garowe (SMN) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane C/laahi Goodax Barre oo ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa ka hadlay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee shalay ka bilowday deegaanada maamulka Puntland. Wasiir Goodax ayaa sheegay in saacado uun, kadib uu fashil ku yimid Imtixaankaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wasiirka ayaa intaasi ku daray in dhacdooyin la mid ah kuwaani ay ka dhacaan Wadamada dariska ah. “Imtixaan waa fashilmaa,saacadaan la joogo Puntland imtixaan ay qaadeysay wuu fashilmay,wadamada deriska nala ah waa ka fashilmay.”ayuu yiri Goodax Barre. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Madaxweyne Saciid Deni uu daah-furay Imtixaanaada dugsiyada dhexe iyo sare ee dowlad goboleedka Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites