Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen oo heegan geliyay ciidamada KG iyo dagaal cusub oo lagu dhawaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladaha guud ahaan ka jira deegaanada maamulkaasi.

Ugu horeyn Lafta Gareen wuxuu ka hadlay qarax ka dhacay degmada Bardaale oo xubno maamulkiisa kamid ah ku dhinteen, waxaana uu sheegay inuu ka xun yahay qaraxaasi oo saraakiil ay ku dhinteen.

Madaxweynaha Lafta Gareen ayaa sheegay in dadka Koofur Galbeed ay dhibaato kala kulmaan Ururka Al Shabaab, taasina ay ku qasbeyso inay diyaariyaan Jawaabta ka dhanka ah Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koofur Galbeed ayuu ugu baaqay inay galaan feejignaan iyo heegan ay kaga hortagayaan weerarada Al Shabaab qorsheynayaan inay ka fuliyaan deegaanada maamulkaasi.

Dagaal ayuu ku baaqay in lala galo Ururka Al SHabaab oo ka dagaalama deegaanada Koofur Galbeed, isaga oo sheegay in guud ahaan ciidamada iyo maamulada degmooyinka inay u midoobaan la dagaalanka Al Shabaab.

“Waxaan ugu baaqayaa ciidamada in meel kastaa oo ay joogaan sidii looga hortagi lahaa dhagar qabayaasha isku diyaariyaan, sidii meel kasta oo ay joogaan loogu tagi lahaa ayaan kula dardaarmayaa, waa inay heegan galaan oo ay ka feejignaadaan dhagaraha Al Shabaab”ayuu yiri Lafta Gareen.

Qarax ka dhacay Degmada Bardaale ayaa waxaa ku geeriyooday Kabtan Falar Liibaan Nuurow oo Kamid ahaa Golaha Deegaanka Degmada Berdaale, halka ay ku dhaawacmeen saddex Askari oo kale oo uu ku jiro Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta K/Galbeed oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Sheekh Maxamed Sheekh Muqtaar.

Caasimada Online
Xafiska K/Galbeed
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this