Sign in to follow this  
Deeq A.

KHEYRE laba mid ha kala doorto ama ha bareero.!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa shalay ka bilowdey gobolada Dowladda Puntland ee Soomaaliya Imtixaankii shahaadiga ah oo ay ardey ka badan 15 000 u fariisteen, Imtixaanka waxaa furay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), ma ahan markii u horeysey sidaan si lamid ah sanadkii hore May/2018 waxaa Imtixaanka shahaadiga ah u fariistey 15 000 oo ardey kuwaas oo ku kala galay 100 goobood, waana nidaam Puntland ku soo dhaqmeysey sanadihii u danbeeyey.

Waa arin aad loogu farxo in gobolada Puntland oo Dowladda Federaalka ah ka horeeyey, oo ah gobolo xasiloon ay hal mar Imtixaan u fariistaan 15000 oo ardey si nabad ah ku dhacdey, aysan jirin wax caqabado ah oo looga cabsi qabo. Waxaa nasiib darro ah hadalo aan loo meel dayin dhaawac ku ah kumaankun ardey iyo waalidiintood, meel ka dhac ku ah dowladnimada iyo wada shaqeynta, iska horkeenaya bulshada iyo Dowaldda federaalka ah ka soo baxaan Wasiirka Waxbarashada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, hadaladaas oo uu ku qarinayo fashilka ku yimid shaqadii loo igmadey.

Haddaba si loo fahmo hadalada dhaawaca ah ee ka soo baxay Wasiirka Waxbarashada waxaa muhim ah in giraanta dib loo celiyo.

DIB U SOO NOOLAANSHAHA DALLADAHA WAXARASHADA

Dalladaha Waxbarashadu waxay ahaayeen awood aad u xoog badan ee dalka ka jirta, taas oo la dhihi karo waxayba sababtey dhalashadii Dowladdii uu Madaxweynaha ka noqdey Xassan Sheekh Maxamuud. Xilligii uu Puntland Madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole waxaa si weyn Puntland u wiiqdey awoodii Dalladaha Waxbarashada ee qaadi jirey Imtixaanaadka, waxaana awooduudu ku ururtey gobolada koonfureed, laakiin Dowladdii Cabdiweli Cali Gaas si tartiib ah waxaa dib u soo noolaadey awoodii Dalladaha Waxbarashada kuwaas oo mar kale laga dareemay Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu sheegay in ardeyda ka qayb-qaadanaya Imtixaanka shahaadiga ah ay gelayaan laba Imtixaan mid kuwa Dalladaha ah iyo mid Wasaaradda Waxbarashadu qaadeyso, arrintan oo noqotey mid dad badan ka yaabisey laakiin ahayd wax horey u dhici jirey, waxaana la aaminsan yahay in Dalladaha Waxbarashadu ay saameyn ku lee yihiin Wasiir Goodax Barre.

Bishii Abril 2019 Wasiirka Waxbarashada ee XFS Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu ku dhawaaqey in Imtixaankii Wasaaradiisu qaadi lahayd ay Puntland diidey sidaas darteed uu hoosta ka xariiqayo in aysan aqbali doonin shahaadada dugsiyada Puntland. Arrintan ayaa cirka isku shareertey, Goodax Barre naftigiisa ayaa yiri hadalkayga si khaldan ayaa loo fasiray, inkasta oo fasirada uu bixiyey ay kaba sii darneyd tii hore, waxaana arrintan dhex galay Xildhibaanada Aqalka sare oo aan wax natiijo ah soo saarin. Dooda ugu adag ayaa ahayd Imtixaan caynkee ah ayaa Goodax Puntland ka qaadayaa haddiiba aanu dalku lahayn manhaj mideysan, ardeyna imtixaan loogama qaadi karo manhaj aanu dhigan sidoo kale waxaa meesha ku dhumaya macnaha federaalka iyo awoodaha ay lee yihiin Dowlad Goboleedyadu, iyo doodo kale oo ka culus.

QOFKASTA SIDUU U GOGLADO AYUU U SEEXDAA.

Iyada oo aan laba gaarin imtixaanadii Shahaadiga ahaa ee Puntland ee Wasiirka Waxbarashadu ka digaayey, ayuu bilaabey kuwii uu doonaayey in dalka oo dhan laga qaado marka Somaliland laga reebo, laakiin nasiib darro Imtixaankasta waxaa lagu faafiyey isaga oo sidiisi ah Internetka. Goodax oo goroda laad-laadinaya waxa uu tegey Telefeshanka Qaranka waxaana uu ka sheegay in Imtixaanaadkii la fashiliyeysidaas darteed la joojiyey gebi ahaantoodba arrintan waxay keentay caro weyn oo ay qaadaan ardeyda kumaankunka ah ee u fariistey Imtixanaadka, waxaana ay u soo baxeen dariiqyada, waxay sheegeen in dhibaato ay wax-ku-bartaan, subax la arko iyaga oo labisan jidka laga celiyo oo waddooyinka loo xiro madax kale oo caalamka ka socota oo imaaneysa, taas oo ay u dheertahay qaraxyada iyo dilalku, duruuf adag ay wax ku bartaan midda uu sameeyey Wasiirka Waxbarashadu aysan sinaba u qaban.

Wasiirka Waxbarashada XFS Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu u gefey Shaqaalihii wasaaradiisa, Waalidiinta Ilmaha dhalay iyo ardeyda qudhooda markii uu jawaab ka bixinaayey cabashadooda iyo go’aanka uu gaarey.

KADAR OO DIBI DHAL

Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu sheegay hadal kale oo qarax weyn dhaliyey “Bombshell”, Isaga oo raba in uu qanciya bulshada ku dhaqan magaaladii Xildhibaanimada looga soo doortey ee Jowhar oo si weyn uga caraysan Imtixaanka fashilmey ee la joojiyey, ” Saacadan aan idinla hadlaayo Puntland imtixaan ayey qaadooysaa waana fashilmey”, hadalkan ayaa ah mid bensiin ku sii shidaya dabkii uu horey u shiday ee ahayd in “Shahaadosuur” ay noqon doonto warqadaha Puntland, marka si fiican loo fasiro Wasiirku waxa uu ka wadaa waa Imtixaan aan diidey ayey qaadayaan waana fashil.

Wasiirkii ka horeeyey Goodax Barre oo magciisu ahaa Cabdiraxmaan Daahir Cismaan waxa uu xilkiisi ku waayey markii uu duray jaamacadaha Soomaaliya, kadibna ay qaylo-dhaan ka soo yeertey Dalladaha Waxbarashada, HADABA

Goodax Barre muxuu kaga duwan yahay Cabdiraxmaan Daahir Barre, maadaama uu 16 000 oo ardey ah doonayo in uu mustaqbalkooda mugdi geliyo, waxa uu uga duwan yahay waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, waa Xildhibaan qaylo badan oo halka uu taageersan yahay si ba’an u difaaca, si kale waa taageerayaasha u weyn ee Xukuuumadda Baarlamaanka ka dhex difaaca ilaa uu saaxibadiisa iyo jaalayaashiisa al-Shabaab inay yihiin ku dhiirado.

KHEYRE LABA HAKALA DOORTO

Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre oo laba jeer booqdey Puntland waxa uu ogyahay taageerada uu ku lee yahay, gaar ahaan dhalinyarada sidaas darteed, waxa uu samaynayo Cabdullaahi Goodax Barre haddii aanu ku garab taagneyn waa in uu tallaabo ka qaado, waa in uu kala doorto Kumaankun dhalinyarada ah ee taageersan iyo Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, 16 000 oo ardey maahan wax mustaqbalkooda lagu ciyaari karo rajo beelna lagu ridi karo. Cabdullaahi Goodax Barre ma qaadi karo masuuliyadda Wasaaradda Waxbarashada, waxaana la gudboon Raysalwasaare Kheyre in uu odayga u wareejiyo Wasaarad kale oo uu ka bixi karo HADDII KALE waxaa caddaaneysa in rayslawasaare Kheyre iyo xukuumadiisuba ay ku taageersan yihiin hadalada dhaawaca ah iyo damaca ah in Wasiir Goodax uu ku ciyaaro mustaqbalka 16000 oo ardey ah.

PUNTLAND MAXAA LA GUDBOON?

Bishii Abril 2019 markii uu Goodax Barre ku dhawaaqey in shahaadooyinka Puntland aysan aqoonsan doonin waxaa u jawaabey qofkasta si ka baxsan xirfadda siyaasadeed, haddaba si arrinta loo adkeeyo waa in madaxtooyada Puntland ay soo fara gashataa arrinta mowqif adagna ay ka qaadataa, Madaxweynaha Puntland isla habeenkii xalay waxa uu la xiriiray Raysalwasaare Kheyre, waxaana uu dalbadey faah-faahin waxa ka soo baxaya Goodax Barre ma ahan wax caadi ah, waa arin wanaagsan laakiin waxaa habboon in kor loo sii qaado loo yeero 42 Xildhibaan ee Puntland Dowladda federaalka ah ku metala ayna moqif adag ka wada qaataan arrintan.

Ugu danbeyntii Wasiirka Waxbarashada ee Dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, waxaa la gudboon in uu dib ula noqdo hadaladiisa dhaawaca ah, waxaa muuqata in lagala caal waayey in uu caddaalad iyo sinaan ugu adeego dhamaan bulshada in uu fahmo nidaamka federaalka ee dalku qaatey in Waxbarashada aan la siyaasadeyn laguna ciyaarin mustaqbalka ardeyda Soomaaliyeed, mar haddii uu ku fashilmey shaqadii uu Puntland kula diriray waxaa la gudboon in uu wasaarad middaan ka shaqo fudud raadsado ama halkii uu ku wacnaa ee baarlamaanka Mikrofoonkiisi la dhex istaago.

Waxbarashada Soomaaliya waxay u baahan tahay hormarin dhinac kasta ah, waxaa habboon in dalka loo sameeyo manhaj mideysan, si ardeyda Soomaaliyeed dhamaantood u geli karaan hal Imtixaan oo mideysan, in meesha laga saaro Imtixaanada Dalladaha Waxbarashada, taas waxaa ka horeeya in marka hore la helo jawi xasiloon, qalabi wanaagsan oo diyaar ah iyo guddiyadii ka shaqeyn lahaa arrintaas.

W/Q: I. Haji Said

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this