Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab-ka wax ku dila Boondheere, ma dagan yihiin mise waa soo galaan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir ayaa u muuqata in ay ku jirto xaaladii ugu adkeyd ee dhanka amaanka markii loo eego sanadihii ugu dambeeyay.

Dilalka Al-shabaab ayaa saa’id ku noqday degmada, waxaana habeenadii ugu dambeeyay lagu dilay ku dhowaad 5 qof oo shaqaale Dowladeed ah. Dilalka ayaa waxaa fuliya rag ku hubeysan Bastoolado oo kadibna ka baxsanayay gacanta Ciidamada.

Dhamaan dilalkii degmadaasi ka dhacay ayaa laga geestay hal Xaafad oo muhiim ah islamarkaana ah istiraatiiji, waxaana ku badan shaqaalaha Dowladda iyo dadka nolasha dabaqadda dhexe ama ladan.

Xaafadda ay dilalka ka dhaceen ayaa lagu magacaabaa “Xaafadda Isbitaalka Soomaali Jarmal” waxay ku dhowdahay Isgoyska degmada oo ay Ciidamada Booliiska Soomaaliya ku leeyihiin bar-kontarool oo lagu baaro gaadiidka iyo dadweynaha.

Waa Xaafadda ama Waaxda ugu guryaha qaalisan markii loo eego Xaafadaha kale ee degmada waxaana halkii qol la kireeyaa lacag u dhaxeysa 100$ – 150$, waana sababta ay muhiim Xaafadaasi ugu tahay shaqaalaha Dowladda iyo dadka kale u shaqeeya hey’adaha gaarka loo leeyahay ama kuwa qurbaha ka yimid.

Wali si sax ah looma oga in Al-Shabaab ay dagan yihiin Xaafadaasi balse dad badan ayaa qaba in Al-Shabaab ay ku xoogan Xaafadaasi oo aysan kaga imaanin dibadda. Waxaa lagu qiimeeyay raga wax dila waxay aad u kala yaqaanaan luuq-luuqyada degmada waana ku baxsadaan dilka kadib. Sidoo kale waxay aad u yaqaanaan dadka ay dilaan waana sababta labaad ee dhalisay shakiga ah in degmadaasi Al-Shabaab daganyihiin.

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa ayaa 2 wiil oo dhalinyaro ah ka soo qabtay maqaayad ku taala halka ay dilalka ugu badan ka dhacaan ee Xaafadda Isbitaalka Soomaali Jarmal, ilaa hadana waxay ku jiraan gacanta hey’adaha amaanka.

In Al-Shabaab ay wax ku dilaan degmada Boondheere, markii aad Muqdisho joogto waxay u dhigantaa iyadoo ay Al-Shabaab madaxtooyada wax ku dileen, sababtoo ah Boondheere waa aagga ay ku xoogan-tahay dowladda, sidoo kale waa degmada ay u soo amaan doontaan dadka cabsida qaba ee ka soo guura degmooyinka kale ee Gobalka Banaadir.

Waxay u muuqataa in Boondheere ay lumineyso intaas oo dhan hadii aysan dowladda Soomaaliya qaadin tilaabo deg deg ah oo wax looga qabanayo amaanka degmada. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this