Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo iclaamisay in ay maxaabiis weydaarsanayso Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka hadlayey munaasabadda xuska 18-ka May ayaa iclaamiyay in maamulkiisu sii daynayo maxaabiistii Puntland looga qabtay dagaalkii Tukaraq ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Biixi ayaa sidoo kale Puntland ka codsaday in ay sii dayso maxaabiistii Somaliland looga qabtay dagaalkii Tukaraq  ee ku xiran xabsiyada Puntland si colaadda labada dhinac looga gudbo nabad iyo xasilooni waarta.

Waxaan doonayaa in aan iclaamiyo in aan diyaar u nahay in aan sii dayno maxaabiistii lagu soo xiray dagaalkii Tukaraq ee halkaan ku xiran iyaguna ay soo wareejiyaan wixii ay naga hayaan” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Wuxuu sheegay in aysan jirin sabab maxaabiistaasi ay xabsiyada ugu sii jiraan sidaasi darteedna uu qaatay go’aan ah in la is weydaarsado maxaabiista labada dhinac ee lagu kala qabtay dagaalkii Tukaraq iyadoo lala kaashanayo hay’adda Laanqeyrta Cas.

Waxay nala tahay in ay xabsi ku jiraani in aanay waajib ahayn sidaasi darted waxaan codsanaynaa iyaguna in ay diyaariyaan waxay hayaan aynu hay’adihii ku shaqa lahaa ee hore inooga dhexaynayey ee Laanqeyrta Cas ay ahayd in aynu arrintaasi dhammayn xagayagana waa ka diyaar” ayuu sii raaciyay Biixi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Somaliland ay doonayso nabad iyo xasilooni ay kula noolaato Puntland iyo in la soo celiyo xiriirka labada dhinac islamarkaana aan khilaaf dambe ka dhex dhicin sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalladii Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 300 oo askarta labada dhinac ah halka ay ku dhaawacmeen boqollaal kale maxaabiisna lagu kala qabsaday.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo iclaamisay in ay maxaabiis weydaarsanayso Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this