Sign in to follow this  
Deeq A.

Madxaweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Bulshada Degmada Xarfo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu halkaas kulan muhiim ah caawa kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabada oo ay kasoo qayb galeen maamulka gobolka Mudug kan Degmada Xarfo qaarkamid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, iyo saraakiil ka tirsan Madxatooyada.

Madaxweyne Deni oo bulshada magaalada la hadlay ayaa ku booriyey horumarka isku-tashiga ah ee ay ugu midaysan yihiin inay ku horumariyaan degmadooda, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu diyaar u tahay inay kala qayb qaadato dedaalka ay ku foogan yihiin maamulka Xarfo iyo shacabka magaaladaasi.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Shacabka Xarfo la hadlayey ayaa sheegay in Xukuumaddiiso wax qabadyadii ugu horeeyey ee ay qabato ay ahayd dhisidda iyo deegamaynta ay Dowladdu ku bilowday xereda Tababarka ciidanka Puntland ee Abqaale, isla’markaana Madaxweynaha ayaa ka mahadnaqay soo dhaweynta qalbiga furan ee ay kala kulmeen isaga iyo waftigiisa bulsho weynta Xarfo.

Halkaan hoose ka eeg sawirada

  • 1-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 12-4.jpg?w=1000&ssl=1
  • 13-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 14-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 15-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 16-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 17-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 18-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 19-1.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madxaweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Bulshada Degmada Xarfo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this