Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Sawir aad Ciro la gasho waxaa kaaga quman, adigoo isu soo dhaweeya quluubta bulshada

Recommended Posts

Deeq A.   

Weli ma aragteen Madaxweyne Siilaanyo, Daahir Rayaale iyo Ina Cigaal oo hadal haya hogaamiye mucaarid inuu kala soo qaybgalo xuska 18 may.
Kalsoonidu waa muhiim, ma jirin xus ay KULMIYE kala qaybgaleen Daahir Rayaale, waxana wareysi uu bixiyay Muuse Biixi oo gudoomiye xigeenka xisbiga ah laga hayaa inuu sheegay in aanu albaabka madaxtooyada gaadhin intuu Rayaale dalka haystay, halka masuulyiinta xisbiga Wadani ay gaalaa baxeen, mar walbana iyagoo ka faramadhan in talo midaysan la gaadho oo dood iyo garnaqsi uun soo faa’idey ay dibada uga soo boodayeen.
Waxaanu lee nahay, laguugu iman maayo inta hadhay wakhtigaaga nabad ku dhamayso, waxase aad ummadda u soo kordhiso ayaa kuu dhito noqonaaya.
Sawir aad Ciro la gasho waxaa kaaga quman, adigoo isu soo dhaweeya quluubta bulshada aad madaxweynaha u tahay, se lagaagama baran.
Somaliland waxaanu u rajaynaynaa guul weligeedna dib u noqon mayso, nin kastoo taa ku hamiyana waa la’aad, se madaxweyne kasta wuxuu ka tagaa u yaal ama waa lagu xusi ama waa lagu xaman.

Mustafe Ciise ( Mustafe Shiine)

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this