Sign in to follow this  
Deeq A.

Khudbaddii munaasibadda 28 guurada 18 ka May ee madaxweynaha waa aan dhegeystey: In ka badan 98% waxa ay u ekayd khudbaddii…..

Recommended Posts

Deeq A.   

Khudbaddii munaasibadda 28 guurada 18 ka May ee madaxweynaha waa aan dhegeystey.

In ka badan 98% waxa ay u ekayd khudbaddii sannadlaha ahaan jirey ee madaxweynuhu kaga hadli jirey waxqabadka xukuumaddiisa iyo khudbadihii la jeedin jirey xilliyada lagu jiro ololayaasha doorashooyinka.

In ka yar 2% ayuu madaxweynuhu kaga hadlay 18 ka May.

Waxa ay ahayd in madaxweynuhu ka hadlo 18 May sida ay ku timi sooyaal ahaan iyo qiimaynta 28 sannadood waxa Somaliland u qabsoomay iyo waxa ka qabyada ah sababta keentay iyo sida u qorshaysan ee uu doonayo in uu qabyadaas gufaynteeda kaga qayb qaato inta uu talada hayo awood ahaan.

Dhinac kale marka laga eego, in badan oo la la yaabo ayaa ku jirtey khudbaddaas oo lagu dhalliili karo madaxwrynaha oo qudha ma ahee intii wax ka diyaarinteeda talo ku lahayd.

Waxa ka mid ahaa waxyaalaha la yaabka lahaa ee ii muuqday in uu madaxweynuhu yidhaahdo 31% ayay xukuumaddaydu caafimaadkii kor u qaadday, iyada cusbitaalka guud ee Hargeysa oo madaxtooyada u muuqda la dalaadhacayo dayac iyo deyn uu iska bixin kari waayey.

Agaasimaha cusbitaalka ayaa la wadaagey maalin dhoweyd golaha xildhibaannada in cusbitaalku tahli waayey in uu iska bixiyo deyn $288, 000 oo ah dawo iyo mid kale oo ah $135, 000 oo koronto ah iyo in cusbitaalku la ciirciirayo nadaafad darro, dayactir la’aan, biyo la’aan iwm.

Horumarka waxbarasheed waxa uu noqday oo madaxweynuhu ku sheegay buugaag arday loo qaybiyey! Saw uma ay dhaanteen in uu ka hadlo horumarka waxbarasho ee dalku ku tallaabsaday 18 May 1991 – 18 May 2019.

Ta kale ee khudbadda ku jirtry ee la yaabka lihi waa un uu ka hadlay oo afkiisa la maqlay waxa aan sameeyey maamul wanaag iyo horumar caddaaladeed, isaga sameeyey xukuumad si weyn dhinac uga raran oo tayo xun oo in badan cabasho iyo saluug looga muujiyey, iyada oo xadhigga xaqdarro ee aan sharciga waafaqsanayn oodaha jabsaday, uu banyaal noqday dhul boobka madaxweynaha iyo caa’iladdiisa Hargeysa ka wadaan iyo qaraabakiilka naasnuujineed.

In uu arrintaas indhaha ka laliyo ayaa ugu yaraan u asturnaan badnayn, waayo ilko dhiig leh iyo karriin ku yaalla ayay ina sii tustay oo ladh bay soo kicisay!

“18 May waxa u dabbaaldegaya Somaliland oo dhan” in uu yidhaahdo waxa ka roonayd runta oo uu yidhaahdo 18 May ayaynu u dabbaaldegeynaa, waayo dhammaan Somaliland uma wada dabbaaldegsyso oo degaanno dhan ayaa dhabarka looga sii jeediyaa mar kasta, taas na in uu si mas’uuliyadi ku jirto uga hadlaa ayay ahayd oo qabyada ku daro, muujiyana sida uu u xallilayo mustaqbalka dhow si loo wada dabbaaldego.

Xildhibaan baa 18 ka May u xidhan magaalads Hargeysa (xildhibaan Dhakool), isaga oo xasaanaddii xildhibaannimo huwan oo maxkamadda iyo wakiiladuba ka badheedheen qaadista dacwaddiisa oo maxkamaddu diiddey maaddaama aanay awood sharci u lahayn, guddida joogtada ah ee wakiilladuna sharci jebin xadhiggisa ku sifaysay.

Arrinta kala ee af-kala-qaadka ahi waa soo qaadista magaca guddoomiyaha Waddani iyo muxuu iigu iman waayey sida Faysal!!

Madaxweyne waxa aad tahay madaxweynihii shanaad ee Somaliland. Cirrona waa guddoomiyihii xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Madaxweyne Faysal kuugu filan guddoomiye xusbi mucaarad oo aad isku sawirto. Cirro waxa uu muujiyey aqoontiisii diblomaasiyadeed, Waddanina waa kaas meel walba ka dabbaaldegaya.

Meelo badan oo kale oo la duri karaa waa ay ku badan yihiin khudbadda madaxweynaha, inta la yaab iigu muuqday se aan halkaas ku dhaafo, qoraalkana aan kaga baxo in waxa taas keenayaa ay tahay garashada hoosaysa ee hoggaamineed iyo rakaab xumaantiisa.

Waxa na la yidhaahdaa haddii aad doonayso in aanad ogaato garashada hoggaamiye waxa la eegaa aqoonta iyo garashada inta hareerihiisa tuban ee rakaabka u ah.

Sidee loo xusay 18 May iyo maxaa dhalliilo ka soo baxay abaabulkeedii? Qormo kale ayaynu ku eegi, haddii uu Alle idmo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this