Sign in to follow this  
Deeq A.

BFS oo maanta Ansixiyay heshiisyo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay M/ Muqdisho ayaa meel mariyay labo heshiis oo muhiim ah.

Kulankan oo ahaa kii 15-aad ee Kalfadhiga Shanaad ayaa waxaa guddoomiyay C/weli Ibraahim Muudey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka.

Golaha ayaa cod u qaaday heshiiskii wadaaga Kheyraadka ee Baydhabo, waxaana ogolaatay 140, mana jirin wax diiday, waxaa ka aamusay 5 Mudane.

Sidoo kale xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay heshiiska caalamiga ah ee dadka naafada ah.

Heshiiskan waxaa u codeeyay illaa 144 Mudane, ma jirin wax diiday, waxaana ka aamusay hal Mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Muudey.

Kulanka ayaa weli socda, waxaana xildhibaanadu ay ka doodayaan arrima la xariira burburinta Ciidamada Kenya ay ku hayaan xarumaha shirkadda Hormuud.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this