Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo daah-furay Imtixaanaadka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – 15 kun iyo 800 oo arday ayaa maanta u fariisatay Imtixaanaadka dusgsiyada dhexe iyo sare ee Puntland oo sanad welba laga qaado ardayda Shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe iyo kan 4-aad ee Dugsiga Sare.

Siciid C/laahi Deni Madaxweynaha Puntland, Wasiirka Waxbarashada Cabdullahi Maxamed Xassan iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad ka dhacday dugsiga sare Gambool oo ku yaalla magaalada Garowe ee xarunta G/Nugaal..

Madaxweyne Deni ayaa Wasaaradda Waxbarashada, howlwadeenada Imtixaanka, iyo ardayda galaysa kula dardaarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in sanadkan ay qaadista Imtixaanaadka guud ee Puntland uga duwan tahay sanadihii hore, maadaama ay dibadda u baxday sirtii Imtixaanada dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Imtixaanka ay Puntland haatan qaadeyso ayaa ku soo beegmaya, xilli uu jiro khilaaf dhinaca mideynta Waxbarashadda iyo Imtixaanadka ah oo u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka. Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this